Uunsi

waxaanu u baahanahay dareraha xabagta geedka maraaga ( Af-Carabi: لبان; Af-Ingiriis: Frankincense) magaca Saynis: Boswellia Carterii, waa xabag ama caano geed , qayb ka mida luubaanta ayaa la calaaliliyaa guryahana waa lagu uunsiyaa iyadoo leh caraf heer sare ah, waxaa kaloo loo adeegsadaa daawo dhaqameedka, Luubanta waxaa aad loogu yaqaanaa dhaqanka Soomaaliyeed iyo kuwa carabta. Luubaanta waxaa lagu shidaa Dabqaadka oo laga sameeyo dhagax khafiif ah sida burjikada.

luubaanta ayaa noocyo badan leh waxaana geedka luubaaneedku soo saaraa ilaa sadex mar sanadkii, meelaha uu ka baxo geed luubaaneedka ugu qaalisan dunida ayaa ah woqooyi bari soomaaliya , cumaan iyo yaman, waxaa kaloo laga hela jasiirada soqodra ee ku aadan woqooyi bari soomaaliya, ganacsi ayaa ka dhexayn jiray soomaalida iyo faraacintii luubaanta ku salaysan, dhulkii uduga ayaa lagu magacaabi jiray dhulka soomaalida,

Jaadadka lubaanka

waxaa kala duwan geedaha dhala luubaanta xaga jooga iyo xabagta ay soo saaraan, jaadadka geed lubaaneedka waxaa ka mid ah [1]

MOXORKA: oo dhala dheecaanka xanjada beeyada.

BEEYO

Beeyadu waa geed kabaxa meelaha banaanista ah, waxay leedahay jirid buuran oo ay ka buuxdo dheecaan (caano). Beeyada marka la soo guro waxaa lakeenaa magaalooynka, waxaana lookala saaraa afar (4) qaybood oo ah siddan.

  • Casaan: oo ah miro gud guduudan. 
  • Caddaan: oo ah miro cad cad 
  • Qolof: oo ah jilifta geedka 
  • Shooto: oo ah haska iyo jajabka ka dhaca iyada. [2]

YAGCARTA: oo dhasha dheecaanka xanjada maydiga

MAYDI

Maydigu waa geed kaduwan kii hore wuxuu ka baxaa dhadhaabaha waana geed dheecaan badan leh waana ka qaalisan yahay dhanka qiimaynta lacagta wxuuu leeyahay Calaal balaaran oo uu ku qabsado dhadhaabta, malaha xididdo dhulka ugu aasan. calaacashaas ayuu dhadhaabta ku qabsadaa. wuxuuna ka baxaa meelo halis ah haddii ruuxa gurayaa uu kasoo dhaco uu naftiisa halis u yahay.

Waxaa looo kala saaraa marka lasoo jadro(lasoo guro) dhawr qaybood oo ah sedan. 

  • Mushaad: waa xabag dhaadheer 
  • Mujarwal: waa iniini cad cad 
  • Jibaan jib: waa xabag mad madaw 
  • Shooto: waa haska kadaata oo ah niis oo kale. 
  • Qolof : oo ah jilifta geedka. [3]
Other Languages
Ænglisc: Inbærnes
العربية: لبان
ܐܪܡܝܐ: ܠܒܘܢܬܐ
Boarisch: Weihrauch
беларуская: Ладан
беларуская (тарашкевіца)‎: Ладан
български: Тамян
বাংলা: লোবান
brezhoneg: Frankezañs
català: Olíban
čeština: Kadidlo
Cymraeg: Thus
dansk: Røgelse
Deutsch: Weihrauch
ދިވެހިބަސް: ވައިގުގޫ
Ελληνικά: Λιβάνι
English: Frankincense
Esperanto: Olibano
español: Olíbano
eesti: Viiruk
فارسی: صمغ کندر
Gaeilge: Túis
עברית: לבונה
हिन्दी: लोहबान
hrvatski: Tamjan
magyar: Tömjén
Հայերեն: Խունկ
Bahasa Indonesia: Kemenyan arab
italiano: Franchincenso
日本語: 乳香
ქართული: საკმეველი
한국어: 유향
Latina: Tus
lietuvių: Ladanas
മലയാളം: സാമ്പ്രാണി
Nāhuatl: Tlenemāctli
Nederlands: Olibanum
norsk nynorsk: Virak
norsk: Virak
occitan: Encens
polski: Olibanum
português: Olíbano
română: Tămâie
русский: Ладан
sicilianu: Franchincenzu
srpskohrvatski / српскохрватски: Tamjan
slovenčina: Kadidlo
slovenščina: Sveto kadilo
shqip: Temjani
српски / srpski: Тамјан
svenska: Olibanum
Kiswahili: Uvumba
ไทย: กำยาน
Tagalog: Kamanyang
українська: Ладан
中文: 乳香
粵語: 乳香