Dagaalkii koowaad

Dagaalkani wuxu bilaabmay sanadkii 1914 wuxuuna dhamaaday sanadkii 1918kii, marka Versailles lago saxiixey heshiis nabadgelyo. Dagaalkani wuxu dhex maray dawladdo badan ay ka mid yihiin: maraykanka oo sanakii u dambeeyay ku soo biiray dagaalka, ingriiska, Faransiiska, jarmalka, Dawlada Cosmaniya, ruushka, iyo dawlada kale oo aad ubadan. Dagaalkan waxaa lagu jabiyey, lagaag adkaaday, dawladaha jarmalka iyo cusmaaniyiinta. way sii socotaaqore; Abdalle bile ahmed

Dagaalkii aduunka ee Koowaad

Dagaalkii 1aad ee dunida 

Wuxuu ka bilowday dagaalkan magaalada sarayevo  caasimada dalka bosnia 28 june 1914 waxaana sabab u ah wiil xag jir ah oo Serbian ah uu toogtay dhaxal sugihii dalka austri arshiidiq fransis Ferdinand iyo xaaskiisi.

Balse  asbaabtu taa wey ka weyneyd waxaana lagu soo kooba asbaabta oo ee dhabta ah ee keentay dagaalkii koowaad ee dunida tobodo qodob

1-   Dagaalkii ka dhacay yurub ka dhacaytodobaatameeyadii qarningii 19aad  oolooga guuleystay dalka faransiiska waxey fransa qorsheyneysa mudo dheer ineymar uun aar gudato iyadoo laga heystay dhul baaxad weyn, sidoo kale waxey kabaqeysay inuu mar 2aad kuso rogaal celin doono jermal oo horey uga adkaaday

2-   Dowladaha waaweyn oo ku loolamayay dalalka ey gumeystaan iyadoo uu jarmalku dareemayay in laga sad badsaday taaso mar naba aan u cuntamin, iyadoo dhaqaalaha jarmalku uu baahna dhul cusub uu qeyraadkiisa gurto hadana waxaa sadkiisa qaatay wadamada fransiiska iyo ingiriiska

3-   Khilaafka dhanka xuduuda badda ah ingiriiska ayaana ahaa awooda ugu weyn dunida dhanka ciidamada badda iyadoo ciidamada badeedu ey joogeen dhamaan daafaha dunida oo inteeda badan ey gumeysaneysay balse jarmalka ayaa isna bilaabay inuu xoojiyo ciidamadiisa bada sanadii 1989 waxaase libinta uga dambeeyay ingiriiska markii uu sameeyay  markabkii dagaal ee abid dunida ugu weynaa ee la oran jiray dreadnought  kaaso la soo saaray sanadii 1906

4-   Loolan  dhanka xuduudaha oo u dhaxeeyay ruushka iyo jarmalka iyo austari waxey ruushku iyo jarmalku isku heysteen sidii ey u kalaqeybsan lahayeen dhulka Poland hada loo yaqaano halka austari iyo jarmalku iyo ruushkuba ey isku heysteen gobolka lagu magaacabo jalesia

5-   Loolan dhanka wadamada la isku yiraahdo balkens  kuwaaso ka go aydowladii cusmaaniyiinta sanadii 1908 ayey austari qabsatay wadanka bosnia  iyadoo ku goodisay iney qabsaneyso Serbia

6-   Xulufeysa balaaran oo bilowday waxey u kala qeybsanayeen triple alliance oo ey ka mid ahaayeen wadamada jarmalka austri iyo hungry  halka kooxda kalena eyaheyd triple entente waxaana isugu yimid france ingiriiska iyo ruushka .

7-   Wadamada xooga badan oo sameystay ciidamo aad u xoog badan waxaana aad isku hubeeyay wadamada ruushka iyo jarmalka si ey u  qaataan qeybo ka mid ah wadama balkaniska .

Hadaba maxaa keenay in dagaalkan loogu yeero dagaalkii koowaad ee dunida

Dagaalkan oo dhacay inta u dhexeysay 28 june 1914 ilaa 11 nov 1918 ayaa waxey kasbatay in loogu yeero magaca caalami

Iyadoo u dagaalka socday 51 bilood oo aan kala go’ laheyn

Waxaa ka qeyb qaatay 28 dowladood 24 ka mid ah ey ahayeen dhinacaxulufada halka 4 ka mid ahna ey ahayeen dhinacii jarmalka

93% dadka dunida ku nool ayaa si toos ah iyo si aan toos aheyn uga qeyb qaatay dagaalkan

Dagaalkan ayaa ka wada dhacay 3 qaaradood oo kala ah yurub Africa iyo asia

Yurub waxa uu ka dhacay balconska talyaaniga  iyo daanta galbeed iyo tan bari ee qarada yurub

Asia wuxuu ka dhacay  wadamada masar falastiin ciraaq dardanil iyo dhulka loo yaqaano qooqaaz

Afrikana wuxuu ka dhacay  galbeedka Africa

Halka pasicific oo ka dhacay jasiirado uu gumeysan jiray jarmalku

Waxey aheyd dagaalkii ugu horeeyay ee la iska weeraro dhulkacirka iyo bada

Waxaa la isku adeegsaday hubkii ugu casrisanaa waqtigaa

Iyadoo la isku adeegsaday gaas sumeysan  sidoo kale waxaa la isku adeegsaday  dhufeysyada daahsoon iyo telgraphka oo ka qeyb qaatay is gaarsiinta ciidmada  ku kala sugnaa meelo kala duwan

Ciidamada ka qeyb qaatay

Xulufadu waxuu dhamaa ciidamdooda 42 188 000 waxey ahaayeen65 %

Halka mixwarkana ay ahayeen 2 850 000 oo  ah 35 %

Marka la isku daro wadarta ciidamada ka qeyb qaatana waxeynoqonayaan 65 038 000

Waxaa khasaarada lagu qiyaasay  xulafada waxaa ka dhintay 22 104 000

Ciidamada mixwanka waxaa ku naf waayay 15 404 000

Halka guu ahaana ey tahay 37 508 000

Dhanka dhaqaalaha waxaa ku baxay  10 milyaan oo doolar saacad walba

Lacagaha tooska ah ee agabka dagaalka  waxaa ku baxay 186 bilyan oo doolar

Halka qasaaraha dadweyne uu gaaray 151 bilyan ooo dolar

Marka la siku darana uu garayo qasaaraha 337 bilyan oo doolar

Maxamed Cabdiweli Yuusuf (Otaange)

Other Languages
Alemannisch: Erster Weltkrieg
žemaitėška: Pėrma svieta vaina
беларуская (тарашкевіца)‎: Першая сусьветная вайна
qırımtatarca: Birinci Cian cenki
emiliàn e rumagnòl: Prémma guèra mundièl
English: World War I
Esperanto: Unua mondmilito
estremeñu: I Guerra Mundial
Nordfriisk: Iarst Wäältkrich
Gàidhlig: An Cogadh Mòr
客家語/Hak-kâ-ngî: Thi-yit-chhṳ Sṳ-kie Thai-chan
Fiji Hindi: World War I
Bahasa Indonesia: Perang Dunia I
Patois: Wol Waar I
Basa Jawa: Perang Donya I
къарачай-малкъар: Биринчи дуния къазауат
Lëtzebuergesch: Éischte Weltkrich
Bahasa Melayu: Perang Dunia Pertama
မြန်မာဘာသာ: ပထမ ကမ္ဘာစစ်
مازِرونی: جهونی جنگ اول
Dorerin Naoero: Eaket Eb I
Plattdüütsch: Eerste Weltkrieg
Nedersaksies: Eerste Wealdkrieg
नेपाल भाषा: तःहताः १
norsk nynorsk: Den fyrste verdskrigen
srpskohrvatski / српскохрватски: Prvi svjetski rat
Simple English: World War I
slovenščina: Prva svetovna vojna
српски / srpski: Први светски рат
Basa Sunda: Perang Dunya I
Türkmençe: Birinji jahan urşy
ئۇيغۇرچە / Uyghurche: بىرىنچى دۇنيا ئۇرۇشى
oʻzbekcha/ўзбекча: Birinchi jahon urushi
vepsän kel’: Ezmäine mail'man voin
Volapük: Volakrig balid