Cirifka waqooyi

Woqooyi pole

Cidhifka Waqooyi ( Ingiriis: North Pole) waa geeska ugu shisheeya ama ugu fog ee waqooyi ee meere. Dunida aan ku nool nahay ee dhulka waxay leedahay labo cidhif oo kala ah Cidhifka Waqooyi iyo Cidhifka Koonfur ee dhulka.

Cirifka waqooyi ee aduunka waxee ku taalaa waqooyiga aduunka, waa meesha oo aduunka ku dhamaado. Cirifka waqooyi iyo Cirifka Koonfur waa meelaha 6 bilood maalin ah, 6 bilood neh habeen ah.labadaan meelood waa meesha oo aduunka ka wareegto.

Gobolka Arktik

Meesha dhacdo Arktik
Maabka gobolka Arktik oo la midabeeyay
Muuqaal kale oo Arktik
Wadanada iyo deegaanada ku yaala iskuwareega Arktik

Gobolka Arktik (Arctic) waa deegaanada cidhifka ugu xiga dhinaca waqooyi ee dhulka. Gobolka Arktik waxay ka kooban tahay Bada Arktik, qeeybo ka mid ah gobolka Alaska (ee ka tirsan wadanka Maraykanka), Kanada, Finland, Griinland, Denmark, Iseland, Norway, Ruushka, iyo Iswidhan. Sidoo kale gobolka Arktik wuxuu ka samaysan yahay bado waawayn oo leh cimilo kala duwan; wakhtiyada qaar noqda baraf marar kale oo sanadka ah diirimaad ah, waxaana deegaanku caan ku yahay dhir yaraanta.

Gobolka Arktik waxaa lagu sharaxaa waqooyiga Cidhifka Waqooyi (66° 33'N), taasi oo hesha iftiin qorax oo aad u kooban iyo habeeno ka dhaadheer deegaanada kale ee caalamka. Sidoo kale deegaanada Arktik waxaa lagu yaqaanaa qaboow daran sanadka oo dhan; wakhtiga ugu diiran (kulu) waa bisha Luuliyo wakhtigaasi oo heerkulku kaba hooseeyo 10 °C (50 °F). [1] [2]

Guud ahaan, deegaanda Arktik waa mid ka duwan dhamaan nidaamyada hab nololeed ee ka jirta caalamka intiisa kale. Tusaale ahaan, gobolku wuxuu leeyahay tiro dad ah (indigenous people) oo la qabsaday qaboowga xad dhaafka ah ee gobolka kaasi oo aanay ku noolaan karayn dadka kale. Intaas waxaa dheer in sanadahan dambe isbedelka cimiladu saamayn weyn ku yeeshay gobolka. [3] Nolosha deegaanadan waxaa ka mid ah naasleyda badaha, kaluun, noole laga helo gunta badaha iyo xubno yaryar oo kale. [4]

Badweynta Arktik

Muuqaalka badweynta Arktik iyo agagaarkeeda


Badweynta Arktik (Arctic Ocean) sidoo kale loo yaqaano Badweynta Waqooyi waa badweyn dhacda waaxda waqooyi ee Aduunka taasi oo ku wareegsan gobolka Arktik iyo deegaanada Cidhifka Waqooyi. Sidoo kale badani waa tan ugu yar dhamaan shanta badweyn ee aduunka.

Maadama juquraafi ahaan badani dhacdo gobolka ugu xiga Waqooyiga Dhulka waxay caan ku tahay biyo baraf ah inta ugu badan wakhtiga sanadka. [5] Sidoo kale, marka la barbardhigo badweynta (sida Atlantik iyo Baasifik) xajmiga iyo baaxada Bada Waqooyi waa mid aad u yar oo lagu tirin karo badaha yaryar (sea), laakiin sidaas ay tahay Ururka Juquraafiga Biyaha Caalamka (International Hydrographic Organization "IHO") wuxuu u aqoonsaday badweyn. [6] [7] Muuqalka aduunka marka cirka la joogo waxaa si fiican loo arki karaa badani oo in badan cadaan ah sababtoo ah waa baraf inta ugu badan sanadka.

Si kastaba ha ahaatee, Bada Waqooyi waxaa ku wareegsan Waqooyiga qaarada Aasiya (inta ugu badan wadanka Ruushka), Yurub iyo Waqooyiga Ameerika (wadanka Kanada iyo Gobolka Alaska ee Maraykanka). Tan iyo inta taariikhda lagu hayo biyaha Bada Arktik waxay ahaan jirtey biyo baraf ah, marka laga reebo xiliga gu'ga oo waxyar biyuhu diiri jireen. Sanadahan dambe waxaa isbedel weyn ku yimid heerkulkii lagu yaqaanay biyahan sababo la xidiidha cimilada sii kululaanaysa. [8]

Guud ahaan Badweynta Arktik waxay leedahay biyo aad u badan oo saafi ah, si ka duwan biyaha badaha kale ee dhanaanka ah waxay bada ku jira biyo nadiif ah oo baraf ah.

Muuqaal

Qoraalo Kale

Tixraac

  1. "arctic." Dictionary.com Unabridged (v 1.1). Random House, Inc. Retrieved 2 May 2009.
  2. Addison, Kenneth (2002). Fundamentals of the physical environment. Routledge. p. 482. ISBN  http://books.google.com/books?id=lJX9fdU4NvkC&pg=RA1-PA482. 
  3. "Global Sea Ice Extent and Concentration: What sensors on satellites are telling us about sea ice." National Snow and Ice Data Center. Retrieved 1 May 2009.
  4. Christopher Krembs and Jody Deming. "Organisms that thrive in Arctic sea ice." National Oceanic and Atmospheric Administration. 18 November 2006.
  5. Michael Pidwirny (2006). "Introduction to the Oceans". www.physicalgeography.net. Archived from the original on 9 December 2006. Retrieved 2006-12-07. 
  6. Tomczak, Matthias; Godfrey, J. Stuart (2003). Regional Oceanography: an Introduction (2 ed.). Delhi: Daya Publishing House. ISBN  http://www.es.flinders.edu.au/~mattom/regoc/ 
  7. "'Arctic Ocean' - Encyclopædia Britannica". Retrieved 2012-07-02. As an approximation, the Arctic Ocean may be regarded as an estuary of the Atlantic Ocean. 
  8. Some Thoughts on the Freezing and Melting of Sea Ice and Their Effects on the Ocean K. Aagaard and R. A. Woodgate, Polar Science Center, Applied Physics Laboratory University of Washington, January 2001. Retrieved 7 December 2006.
Other Languages
Afrikaans: Noordpool
Alemannisch: Nordpol
አማርኛ: ስሜን ዋልታ
aragonés: Polo Norte
asturianu: Polu Norte
azərbaycanca: Şimal qütbü
تۆرکجه: قوزئی قوطبو
башҡортса: Төньяҡ полюс
Boarisch: Noadpoi
žemaitėška: Šiaurės puolios
беларуская: Паўночны полюс
беларуская (тарашкевіца)‎: Паўночны полюс
български: Северен полюс
bosanski: Sjeverni pol
буряад: Хойто туйл
català: Pol nord
čeština: Severní pól
dansk: Nordpolen
Deutsch: Nordpol
Ελληνικά: Βόρειος Πόλος
English: North Pole
Esperanto: Norda poluso
español: Polo norte
euskara: Iparburua
فارسی: قطب شمال
Võro: Põh'anaba
français: Pôle Nord
Frysk: Noardpoal
贛語: 北極點
galego: Polo Norte
Fiji Hindi: North Pole
hornjoserbsce: Sewjerny čop
magyar: Északi-sark
interlingua: Polo Nord
Bahasa Indonesia: Kutub Utara
italiano: Polo nord
日本語: 北極点
Basa Jawa: Kutub Lor
Qaraqalpaqsha: Arqa polyus
한국어: 북극점
къарачай-малкъар: Шимал полюс
Кыргызча: Түндүк уюл
Limburgs: Naordpoeal
latviešu: Ziemeļpols
македонски: Северен пол
монгол: Умард туйл
Bahasa Melayu: Kutub Utara
Nederlands: Noordpool
norsk nynorsk: Nordpolen
norsk: Nordpolen
occitan: Pòl Nòrd
ਪੰਜਾਬੀ: ਉੱਤਰੀ ਧਰੁਵ
Piemontèis: Pòl Nòrd
پنجابی: اتلا قطب
português: Polo Norte
Runa Simi: Chinchay qhipa
română: Polul Nord
tarandíne: Pole nord
русиньскый: Северный пол
саха тыла: Хоту полюс
sicilianu: Polu Nord
Scots: North Pole
davvisámegiella: Davvipola
srpskohrvatski / српскохрватски: Sjeverni pol
Simple English: North Pole
slovenčina: Severný pól
slovenščina: Severni tečaj
српски / srpski: Сјеверни пол
svenska: Nordpolen
Türkmençe: Demirgazyk polýus
Tagalog: Hilagang Polo
Türkçe: Kuzey Kutbu
татарча/tatarça: Төньяк котып
ئۇيغۇرچە / Uyghurche: شىمالى قۇتۇپ
українська: Північний полюс
oʻzbekcha/ўзбекча: Shimoliy qutb
vepsän kel’: Pohjoižnaba
Tiếng Việt: Bắc Cực
吴语: 北極
ייִדיש: צפון פאלוס
中文: 北极点
文言: 北極
Bân-lâm-gú: Pak-ke̍k
粵語: 北極